Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa magaaladda Muqdisho ku qabatay Barnaamijka Afur iyo doodwadaag kaas oo ciwaankiisu yahay “Doorka dhalinyarada ee Sare u qaadida Nabada iyo doorashooyinka ” waxa uuna socday laba maalmood 8-9 May,2021.
Isku duwaha Barnaamijyada Xarunta cilmi baarista iyo hormarinta Aadanaha ee CRHD, Cabdi Aadan ayaa sharaxay waxa uu ku saabsan Baarnaamijka Afur iyo aragti wadaag waxa uu sheegay barnaamijku ku saabsanyahay sida ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga qayb qaada karto amaanka iyo doorashooyinka dalka.
Waxa uu sheegay in barnaamijkaan uu dhiira galinaya in dhalinyarada Soomaaliyeed uga ay uga qayb qaataan doorashooyin si togan oo u adeegaya in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku dhaca qaab nabdoon oo isku keenaya dhinacyada Soomaaliyeed.

Baarnaamijka oo ay ka qayb qaadanayeen dhalinyaro ka kala socotay Ururada dhalinyarada ee caasimada ka jira, aqoonyaro iyo ardayda jaamacadaha ayaa waxaa furay Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Khaasim waxa uuna dhalinyarada ku booriyay ka qayb qaadashada doodaha nuucaana garaadkoodu kor ugu kaco.
“Xaruntaan(CRHD), waxaa looga bartay doodaha nuucaan ah iyo aragtiyaha caafimaadka qaba in ay abaabusho, waxaa la yiraahdaa qofka caafimaadka qaba sida uu calooshiisa u buuxiyo waa in uu buuxiyaa maskaxdiisa ama maankiisa, sida aad calooshaada uga ilaaliso wax wasaqaysan waa in aad maskaxdaadana uga ilaalisaa” ayuu yiri wasiir ku xigaanka Difaaca Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka barnaamijka Afur iyo aragti wadaag.

Wasiir Cabdifitaax ayaa sidoo kale dhinyarada Soomaaliyeed kula taliyay in iyaga oo kaashana aqoontooda ay ka hortagaan fikirada ku salaysan in qabiil isku dilo, isaga oo wax laga xumaato ugu yeeray dagaal beeleedyada ka dhaca Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Sulaymaan Jaamac, Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed, Bashiir Cabdi Maxamed oo ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed iyo Axmed Cabdihadi Cabdullaahi oo u dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay Panel lagu waydiiyay su’aalo ka saabsan “Doorka dhalinyarada ee Sare u qaadida Nabada iyo doorashooyinka “.

Dhalinyaradii ka qayb gashay Barnaamijka Afur iyo Aragti Wadaag ayaa dhankooda su’aalo waydiiyay masuuliyiinta panel-ka fadhisay.
“Doorasho dhalinyada jaanis ku heli karaan ama ay awood u yeellan karaan waa doorsho lagu galo xisbiyo, iyagoo xubno ka ah xisbiyadaas dhisan laakiin hadda doorashada jirto maaha mid loo dhan yahay ama jaanis u ah dhalinyarada Soomaaliyeed “ Cabdiraxmaan Sulaymaan Jaamac Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed.
Prof Xasan Sheekh Cali, ayaa soo jeediyay presentation ku saabsan Doorka dhalinyarada ee Sare u qaadida Nabada iyo doorashooyinka ” waxa uuna sheegay in nidaamka dowladnimada Soomaaliya uu kuu dhismayo sharci, kala dambayn iyo kalsooni laga dhex abuuro bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan hiigsanayno maahan doorasho ee waa qaran dhis doorashadu waxba maahan hadii uu san jirin qaran sidaas darteed waa in aan dhisnaa qarankeena” ayuu Prof Xasan Sheekh Cali.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta xariiqay Prof Xasan “in Nabaddu ku imaanayso in la ilaaliyo waxa laga heshiiyay Dastuurka (Heshiis dadweyne)”.
Dhalinyaradii ka qayb gashay Barnaamijka “Afur iyo Aragti wadaag” oo ay Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ku qabatay Muqdusho ayaa dhankooda sameeyay Group discussion, waxa ayna uga doodeen sida ugu haboon ee dhalinyarada Soomaaliyeed uga qayb qaadan karto dowlad dhisida Soomaaliya iyo qayb galka doorashooyin xalisoon oo dalka ka dhaca.

Ugu dambayn Isku duwaha Barnaamijyada Xarunta cilmi baarista iyo hormarinta Aadanaha ee CRHD, Cabdi Aadan ayaa soo xiray Barnaamijka Afur iyo Arati Wadaag oo CRHD, isaga oo mahadceliyay dhamaan masuuliyiintii iyo dhalinyaradii ka qayb qaadatay mudadii uu socday Baarnaamijka Afur iyo aragti wadaag iyo sidoo kale Machadka doorashada ee dimuqraadiyada waarta ee Afrika EIZA oo taageeraayay Barnaamijka Afur iyo aragti wadaag.


