CRHD oo dood cilmiyeed ku saabsan ‘kahortaga colaadaha iyo ilaalinta nabad’ ku qabatay Balanbale.

Xarunta Cilbaarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa degmada Balanbale ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan “Doorka bulshada deegaanka ay kuleeyihiin kahortaga colaadaha iyo ilaalinta nabad Balanbale” 21 December 2022.

Muumin Muhudiin Abdulle, Madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha agaasimaha guud ee CRHD, oo furay dood cilmiyeedka ayaa sharaxay u jeedka ay CRHD, dood cilmi yeedkaan ugu qabatay degmada Balanbale isaga oo sheegay in muhiimada ugu wayn ay tahay ka hortaga colaadaha soo laalaabta iyo ilaalinta nabada iyo xasiloonida degmada Balanbale iyo deegaanada hoostaga oo sanabada badan ay ka dhacayeen colaado hubaysan oo dhexeeya qabaa’ilka dagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Muumin ayaa sheegay in CRHD sidaan oo kala aqoon iswaydaarsi ugu qabatay deegaano ay  horay uga dhaceen colaado hubaysan iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamiga ah sida AustrianDev, IGAD CEWARN iyo EU International Partnerships.

Maryan Cabdi Nuur, oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud oo ka hadashay furitaanka dood cilmiyeedka CRHD ku qabatay degmada Balanbale ayaa sheegtay in bulshada deegaanka ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta nabada deegaanka.

Xildhibaan Maryan ayaa CRHD ku amaantay dood cilmiyeedka ay ku qabatay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud iyada oo sheegtay in nabada deegaanka ay wax wayn ka tarayso doodaha iyo kulama nuucaan oo kale ah si dadka loogu baraarujiyo nabad dhiska deegaanka.

Dood cilmiyeedka oo looga hadlaayay “Doorka bulshada deegaanka ay ku leeyihiin kahortaga colaadaha iyo ilaalinta nabad Balanbale” ayaa waxaa dood la dhexdhigay xubno ka socday golaha deegaanka Balanbale iyo bulshada deegaanka iyaga oo si wadajir ah hoosta uga xariiqay muhiimada nabada deegaanka iyo kaalinta ay shacabka ku leeyihiin.

Ka qaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay koox waxa ayna dood ka yeesheen doorkooda ku aadan ka hortaga colaadaha iyo ilaalinta nabada degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Xarunta cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, oo kaashanaysa Saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa horay sidaan oo kale deegaanada Galmudug ugu qabatay aqoon iswaydaarsiyo looga hadlaayo nabad dhisida iyada oo doodo aqoon iswaydaarsi ah ku qabatay deegaanada Balanbale,  Xananbuure iyo magaaladda Dhuusamareeb si kor loogu qaado waciyaga bulshada ee Nabada iyo horumarka deegaanka.

Scroll to Top