CRHD oo aqoon iswaydaarsi ku qabatay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Xarunta cilmi baarista iyo horumarinta Aadanaha ee CRHD ayaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ku qabatay aqoon iswaydaarsi looga hadlaayay ka hortaga colaadaha hubaysan iyo dhismaha nabada deegaanka, kaas oo socday 27-28 Nov 2022.

Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa ka qaybgalay Guddomiyaha Degmada Balanbale, Agaasimaha waaxda dib u heshiisinta iyo faderaaleenta wasaaradda Arimaha Guddaha dowlad-goboleedka  Galmudug, xubna katirsan Golaha deegaanka Balanbale, Odoyaal dhamaqamedyo, Culimo, Dhalinyaro iyo haween ka socda bulshada degmada Balanbale.

Muumin Muhudiin Abdulle, Madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha agaasimaha guud ee CRHD, ayaa sharaxay muhiimada aqoon iswaydaarsiga ka furmay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud, isaga oo cadeeyay in muhiimada ugu wayn ay tahay in laga hortago isku dhacyada hubaysan ee ka dhaca degmada Balanbale iyo deegaanada hoos yimaada isla markaana kor loo qaado wacyiga bulshada deegaanka.

Muumin ayaa sheegay in CRHD sidaan oo kala aqoon iswaydaarsi ugu qabatay deegaano ay  horay uga dhaceen colaado hubaysan iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamiga ah sida AustrianDev, IGAD CEWARN iyo EU International Partnerships.

Guddomiyaha degmada Balanbale Mudane Abdiaziz Hashi Iraad, oo ka hadlay furitaan aqoon iswaydaarsiga ay CRHD ku qabatay Balanbale ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay reer Balanbale maadaama uu sheegay in ay deegaanka ka dhaceen colaado sanado soo jiitamayay.

Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay shaqada CRHD, isaga oo ka qaybgalayaasha ka dalbaday in ay aqoonta ay ka faa’iidaan aqoon iswaydaarsigaan ay uga faa’iideeyaan bulshada kale ee degmada kuwaas oo aan wali helin fursadaan oo kale.

Agaasimaha waaxda dib u heshiisinta iyo faderaaleenta Wasaradda Arimaha Guddaha ee Galmudug Mohamud Nur Hashi oo kasoo qeyb galay aqoon iswaydaarsiga diirada lagu saarayo “Ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida nabada degmada Balanbale” ayaa u mahadceliyay xarunta CRHD kuna bogaadiyay shaqada adag ay u heyso bulshada Soomaaliyeed gaar ahan tan Maamulka Galmudug.

Hashi, ayaa sheegay in Galmudug ay ka midtahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan khilaafyada dadwayne isaga oo dalbaday in kordhiyo aqoon iswaydaarsigaan oo kala si loo yareeyo isku dhacyada hubaysan loona kordhiyo wacyiga bulshada.

Dhamaan xubnaha ka qayb galay aqoon iswaydaarsiga ayaa cadeeyay in khilaafka deegaanka ay qayb ka tahay qabaa’ilka oo haysta hub badan taas oo markaste suurtagal ka dhigay in ay isku qabsadaan dhuldaaqsimeed iyo ceelbiyoodyo laga qoday deegaanada fog ee miyaga ah.

Mudane Siraji Farid Abdi, oo fududaynayay aqoon iswaydaarsigaan ayaa ka soo qaybgalayaasha u jeediyay darsi ku ku saabsan “ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida nabada degmada Balanbale” ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Maalinkii 2aad ee aqoon iswaydaarsigaa ayaa fursad loo siiyay ka qaybgalayaasha dood wadaag ka yeeshaan “ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida nabada degmada Balanbale” si ay u cabiraan aragtidooda ku aadan dhibaatada jirta Balanbale iyo nawaaxigeeda.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay koox koox waxa ayna dood ka yeesheen ciwaanada loo qaybiyay iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku Aadan Nabada deegaanka.

Ugu dambayntii Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha CRHD, ayaa soo xirtay aqoon is waydaarsi socday labo maalmood oo lagu baranaayay “Ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida nabada degmada Balanbale ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Balanbale Jamac Mohamed Diini ayaa soo xiray aqoon iswaydaarsiga isaga oo sheegay in aqoon badan ka faa’ideem waxgaradka, bulshada degmada isaga oo ka dalbaday .

Xarunta cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, oo kaashanaysa Saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa deegaanada Galmudug ku qabatay aqoon iswaydaarsi looga hadlaayo nabad dhisida waxa ay horay deegaanka Xananbuure iyo magaaladda Dhuusamareeb oo lagu qabatay aqoon kororsi looga dooday “Sara u qaadida nabada iyo xasiloonida deegaanka”.

Scroll to Top