CRHD oo ka qabatay tababar ku saabsan”Ka qayb qaadashada siyaasada iyo arimaha bulshada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba”

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD-ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan “Ka qayb qaadashada siyaasada iyo arimaha bulshada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba” kaas oo socday 29-31 March 2021.

Gudoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Caruurta iyo Cadaallada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Zamzam Ibraahim Cali ayaa furtay tababarka waxa ayna ku bogaadisay CRHD-qabashada tababarkaan muhiimka ah.

“Hadii la aadi lahaa nidaamka Xisbiyada badan waxaan aaminsanahay dadka baahayaha gaarka ah qaba in ay heli lahaayeen qoondadooda” ayay Senator Zamzam ka sheegtay furitaanka munaasabada.

 

“Kulamada nuucaana waxa ay muhiim u yihiin guud ahaan bulshada iyo sigaar ah dadka qaba baahiyaha gaar ah iyo guddiyada ku shaqada ah si ay isku xasuusiyaan meelaha gaabku ka jiro”  ayay hadalkeeda raacisay Gudoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Caruurta iyo Cadaallada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Zamzam Ibraahim Cali.

Dhanka kale Xoghayaha guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan Sahra Cumar Maalin oo ka hadashay tababarka ay soo qaban qaabisay CRHD- ee ku saabsan Ka qayb qaadashada dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nolosha siyaasadeed iyo tan guud” ayaa sheegtay in waxbadan guddiga Xuquuqul Insaanka ee BFS uu ka qabatay 4 sano ee la soo dhaafay.

“Maahan in layareysto ka qaybgalka arimaha siyaasadda iyo nolosha kale ee dadka qaba baahiyaha gaar ah, Runtii arintaan aad ayaan ugu dadaalnay shirar badan ayaan u galnay waxaan ku dadaalnay in ay naga qayb noqdaan, nala shaqeeyaan oo ay Soomaali runta u sheegeen {Dadka baahiyaha gaar ah qaba” Xildhibaan Sahra Cumar Maalin Xoghayaha guddiga xuquuqul insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka qaybgalay Tababarka ay soo qabanqaabisay CRHD, u sharaxay  Cashir ku saabsan “Caqabadaha iyo fursadaha kaqeybgalka nolosha bulshada ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah”.

 

Cabdi Aadan Isku duwaha barnaamijyada ee CRHD ayaa sharaxay muhiimada Tababarka iyo waxyaabaha lagu baran doono sadex maalin ee uu socdo isaga oo u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay tababarka.

“Doorshada waa nuucyo badantahay laakiin mida maanta dabka saaran ee la leeyahay halaga heshiiyo maahan dooqeena waa mid qasab ah”.  Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee golaha naafada Qaranka ahna xubin ka tirsan golahaas Cali Cabdulaahi Salaad.

“Waa Muhiim in la ogaado hadii ay xuquuq maqantahay meel ayay ku maqantahay, cida ay ku maqantahayna waa in ay joogtaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Nalama dhihi karo dadka baahiyaha gaar ah Qaba”

Qaar kamid ah dhalinyarada  naafada  ka ah araga, dhagaha iyo qaybaha kale ee jirka ayaa maalintii 2aad magaaladda Muqdisho uga  qayb galay tababar ay soo qabanqaabisay CRHD- oo ciwaankiisu yahay “Ka qayb qaadashada siyaasada iyo arimaha bulshada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba” waxa ayna soo jeediyay in aan loogu yeerin dadka baahiyaha gaarka ah qabo.

Dood dheer ka dib dhamaan dhalinyaradii ka qayb gashay tababarka ayaa soo jeediyay in qof kastoo oo bini Aadam ah uu leeyahay baahi asaga u ah balse ay iyagu yihiin naafo.

“Dadka baayaha gaar ah qaba hadii nala dhaho  dad badan ayaa soo galaya xitaa dadka aan wali guursan, waxa noo gaar ah waa Naafo!”

“Indha la’aantu ma’ahan qabi la’aan” Amal Cabdullaahi.

“Markaan maqlo dadka baahiyaha gaarka  ah qaba Waxaan ka dareemaa Xanuun badan mana jecli!”

“Dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka naafada ah ani ahaan waxaan soo dhawaynaa dadka naafada ah”  Fardowso Indha-Qalbi.

“Takoor waa in qofka laga sooco dadka kale iyadoo lagu takoorayo dabeecadiisa gaar ah sida in uu naafo yahay”. “Diintu ma ogola in qof lagu takooro dabeecadiisa gaarka ah” Dr Shaafici Shariif Maxamed oo tababarka bixinaya.

Qaar ka mid ah dadka Naafadda ah ee ka qaybgalay tababarka ay CRHD ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sameeyay Howlwadareed (Group discussion) ay kaga doodayeen “ka qayb qaadashada siyaasada iyo arimaha bulshada ee dadka Naafada ah”.

Isku duwaha Barnaamijyada Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD Cabdi Aadan ayaa soo xiray tababarka isaga oo u mahadceliyay dadkii ka qayb galay tababarka iyo macalimiintii bixinaysay.

Cabdi Aadan waxa uu sheegay in u jeedka tababarka loo qatay ay ehayd in dadka naafada ah lagu dhiira galinyo ka qayb galka arrimaha siyaasadda iyo kuwa bulshada.

Scroll to Top