CRHD oo Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan tayaynta dhalinyarada.

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD- ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan tayaynta dhalinyaradda kaas oo lagu baranayay cashiro la xiriira Demoqoraadiyada, Nabad iyo Doorashooyinka waxaana furay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukumadda Faderaalka ah Isaaq Xaashi Jimcaale.

Maamulka xarunta CRHD, oo ka duulaya muhiimtada talooyinka caafimaadka iyo xakamaynta xanuunka Covid-19, ayaa waajib ka dhigay xirashada Af-xirka(Facemask) dhamaan ka qayb galayaasha tababarka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo tababarka Furay ayaa dhalinyarada tababarka ka faa’iidaysanaysa  kula taliyay in cashirada ay qaateen uga faa’iideeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dr Shaafici Shariif Maxamed, oo bixinayay tababarka ay soo qabanqaabisay xarunta cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa dhalinyaradii tababarka ka faa’iidaysanaysay u sharaxay Dimuqoraadiyada iyo muhiimada ay leedahay bulshooyinka Caalamka.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur, oo dhalinyaradii ka qayb qaadatay tababarka u jeediyay cashir ku saabsan muhiimada ay leedahay doorasho ku dhacda jawi nabdoon ayaa kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan qodobada hortabinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur “Dowladdu waa in ay dadka u maamusho sida ay shacabku rabaan, laakiin Dowlad rabta in ay jacaylkeeda dalka ku maasho doorasho maqabato ogaada”

Qaar ka mid ah dhalinyaradii ka qayb gashay tababarka ay maanta magaaladda Muqdisho ku qabatay xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa su’aallo la xiriira cashiradii la baray waydiiyay Professorada tababarka bixiyay.

Dhalinyaradii ka qayb gashay tababar labo maalin ah oo ay CRHD, ku qabatay Muqdusho ayaa la gudoonsiiyay shahaadoyin ka turjumaya cashirada ay qaateen.

Cabdi Aadan isku duwaha barnaamijyada CRHD, ayaa tababarka soo xiray isaga oo balanqaaday in xaruntu sii wadayso tababarada nuucaana si loo kobciyo aqoonta iyo tayada dhalinta Soomaaliyeed.

Scroll to Top