CRHD oo Muqdisho qabatay dood ku qoondada haweenka.

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarainta Aadanaha ee CRHD, ayaa magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka odoyaasha dhaqanka iyo culimadu ku leeyihiin xaqiijinta qoondada haweenka.

Dood cilmiyeedka oo socday 7-8-Nov, 2020 ayaa waxaa ka qaybgalay, Xaliimo Yaray gudoomiyaha GMDQ, Sheekh Cali Wajiis, Senater Zamsam Daahir Maxamud, Ifliin Ibraahim Cali, Cabduqaadir Axmed Ibraahim( Xarago) oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale oo iskugu jirta, culimada, haweenka iyo odoyaasha dhaqanka.

Dr Luul Salaad Ibraahim, gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarainta Aadanaha ee CRHD, ayaa furtay dood cilmiyeedka waxa ayna sheegtay in u jeedku yahay in laga doodo si loo xaqiijin karo qoondada dumarka gaar ahaan doorka ay ku leeyihiin culimada iyo odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka qaranka Marwo Xaliimo Yaray ayaa sheegtay in ay wax badan Soomaaliya ka halaabaayaan inta la isku qiimaynaya qabiilka iyo nidaamka beellaha waq u qaybsadaan.

“Inta aan qabiil isku qiimeyneyno wax badan ayaa haleeysnaan doona way jiraan dumar aqoon badan oo karti badan kana soo bixi karo howshaan” ayay tiri Xaliimo Yaray.

“Waxan culimada ka codsanayaa ineey diinta si dhab ah uga hadlaan oo aysan xaqirin dumarka” ayay hadalkeeda raacisay Marwo Xaliimo Yaray.

Senater Zamsam Daahir Maxamud oo ka mid ah aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhibaatadu ay ka taagantagay nidaamka 4.5 ee Soomaaliya ku dhaqmaysay 20 sano ee la soo dhaafay.

“Qabiilka caqabad maaha ee mabda’a 4.5- ta ah ee lagu heshiiyay ayaa caqabad ah waayo markii ladhahay kurigaas  qabiil hebel ayaa iska leh qabiil kasta waxa uu ku dadaalayaa inuu rag soo saaro marka mabda’aas ayaa caqabd ah” ayaa tiri Sen Zamzam.

Sheekh Ali Wajis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in culimadu ay rabaan in la xaqiijiyo doorka dumarka iyada oo lagu tixgalinaya aqoontooda iyo kartidooda.

“Ka culimo ahaan waan taageersanahay qoondada haweenka hadii aan sharciga la qilaafeynin”.

Cabdulqaadir Ahmed Ibraahim oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ayaa yiri “ waxa wanaagsan inaan wada tashano oo xisaabtano oo qofkii dalkaan wax tar u ah aan wax u dhiibano maaha in  raga iyo dumarka la iska horkeeno”.

Pro. Xasan Sheekh ayaa ka soo qayb galayaasha u jeediyay cashir ku saabsanaa Doorka odayaasha dhaqanka  iyo culumaa’udiinka ay ku leeyiheen hubinta qoondada haweenka.

Inta doodo socotay Odayaasha dhaqanka iyo haweenka ayaa ka talabixinaayo sida lagu hili karo qoondada haweenka gaar ahaan xilliga doorashooyinka.

Guddoomiyaha CRHD Dr. Luul Salaad Ibraahim ayaa ugu dambayntii oo Soo xirtay aqoon-iswaydaarsi ku saabsanaa Doorka odayaasha dhaqanka  iyo culumaa’udiinka ay ku leeyiheen hubinta qoondada haweenka.

Scroll to Top