Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa 14-15 july, magaaladda Muqdisho ku qabatay barnaamij aragti wadaag oo looga hadlaayay Istiraajiyada xaqiijinta waxbarashada gabdhaha iyo awoodsiinta dumarka, kaas oo ay ka qayb galeen, ururada haweenka, dhalinyaro iyo aqoonyahano.
Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Xuquul Aadanaha ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xaniifo Maxamed Ibraahim ayaa furtay barnaamijka waxa ayna sheegtay in tirada wax ka barata gabdhaha Soomaaliyeed aad u koobanyihiin dowladuna ka shaqaynayso sidii loo kordhin lahaa.

Wasiir Xaniifo ayaa sheegtay in xooggaa hormar ah laga sameeyay in waalidiinta lagu qanciyo sida ay waajib u tahay in gabdhaha Soomaaliyeed helaan waxbarasho ku filan balse ay wali jiraan caqabado badan oo saldhig u yihiin dhaqankii hore ee waxbarashada ka reebaayay gabdhaha.
Maryan Aadan Aamiin, agaasimaha arimaha Bulshada iyo Xiriirka dadweynaha ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ka qaybgashay furitaanka Barnaamijka ayaa sheegtay in dumarka looga baahanyahay in ay is garab istaagaan cidna aysan marti uga noqon ka qayb galka Siyaasadda, waxbarashada iyo in la sameeyo goobo u gaar ah oo wax lagu baro gabdhaha Soomaaliyeed.
Agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, Dr. Luul Salaad Ibraahim oo sharaxday u jeedka Barnaamijka dood wadaaga ah ee CRHD, ku qabatay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedku yahay waxbarashada gabdhaha in ay helaan goobo ay sidaan oo kale ugu soo bandhigaan doodooda iyo xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho ku filan.



