Xarunta Cilmi Baarista iyo horumarinta Aadanaha ee CRHD oo ka jawaabaysa dhibtaadii foosha xumayd ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxammed faarax oo la iskugu daray kufsi iyo jirdil, ayaa xaruntu magaaladda Muqdisho ku qabatay kulan looga fal-celinayey caddaaladna loogu dalbayey gabadhii tacaddiga lagula kacay.
Gudoomiyaha CRHD, Dr Luul Salaad Ibraahim oo ay wehliyaan ururad dhallinyarada, aqoonyahano iyo Xildhibaano ayaa cod dheer ku dalbaday in loo hiiliyo cadaaladda, si wadajir ah looga hortago tacadiyada nuucaan oo kale ah.

Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta Aadnaha ee CRHD oo tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelladii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumad; Xamdi Maxammed Faarax oo tacaddi kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Muqdisho.
“Hay’addu waxa ay si xushmad ku dheehan tahay ugu tacsiyaynaysaa waalidkii dhalay Xamdi, sidoo kale waxa ay tacsi u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo dhibbane u noqday dhaqankaan foosha xun, kaas oo marar badan ku soo noq-noqday bulshada dhexdeeda” ayay Xarunta ku tiri qoraal ka soo baxay.
Xaruntu waxa ay ku howllan tahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa oo loo cirib-tiri lahaa falalka nuucaan oo kale ah.

CRHD waxa ay ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Benaaadir, Wasaaradda haweenka iyo xuquuq-insaanka, wasaaradda diinta iyo awqaafta, xeer ilaalinta guud ee Qaranka, dhammaan laamaha adeegga garsoorka iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah in tallaabo adag laga qaado dadkii gaystay dhibaatada intaas la eg, laguna dadaalo sidii dhibbanuhu ku heli lahaa caddaalad.
Xaruntu waxa ay cadaynaysaa in uusan dhaqankaan ahayn markii ugu horraysay, hase ahaatee uu yahay mid la joogteeyay, ka dib markii laga gaabiyay dhowrista xuquuqda dumarka iyo fal-celintii lagama maarmaanka ahayd, markii ay timaado ku xad-gudubka gabdhaha Soomaaliyeed.

Ha’addu waxa ay si xushmad leh uga codsanaysaa qareennada kiiska gacanta ku haya in ay iskugu geeyaan itaalkooda, caqligooda iyo cilmigooda sidii ay ugu heli lahaayeen caddaalad.
Ugu dambayntii Madaxda xarunta cilmibaarista iyo horumarinta aadnaha waxa ay tacsi u dirayaan qoyska iyo ehelladii ay ka baxday; Xamdi Maxammed Faarax.
Xaruntu waxa ay dhiirrigelinaysaa isku day kasta oo looga soo hor jeedo ku takrifal iyo duudsiin qof walba oo Soomaali ah lagula koco.
Xaruntu waxa ay ka shaqayn doontaa sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinka nuucaan oo kale ah.
Xarunta waxa ay dhacdaadan u saartay guddi iskugu jiro haween iyo dhallinyaro, waxa uuna ka shaqayn doonaa sidii ay marxuumadda iyo ehelkooduba u heli lahaayeen caddaalad.

Gudoomiyaha CRHD iyo howl wadeeno kale ayaa booqday gurigii ay nooleed marxuumad Xamdi waxa ayna tacsida la wadaageen ehelka gabadha iyagoo cadeeyay si ay ugu soo horjeedaan dhacdooyinkii ka soo horjeeda bini Aadanimada ee dumar lagula kacayo.


