Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa 25-26 September 2022, magaaladda Dhuusamareeb ku qabatay Aqoon is waydaarsi ku saabsan “Sara u qaadida nabada iyo xasiloonida deegaanka” kaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, maamulka Dhuusamareeb, odoyaal, dhalinyaro iyo haween.
Muumin Muxudiin Cabdulle, madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha gudoomiyaha CRHD, ayaa sharaxay muhiimada aqoon iswaydaarsiga ka furmay Dhuusamareeb isaga oo sheegay in muhiimadu tahay nabada iyo xasiloonida deegaanka maadaama horay deegaanka uga dheceen dagaalo u dhexeeya qabaa’ilka deegaanka.

Mursal Cabdi Aadan, Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarasha Galmudug oo furay aqoon iswaydaarsiga ayaa ka sheekeeyay muhiimada deegaanada Galmudug ay u leedahay nabada maadaama “deegaanada maamulka ay ka dhacaan iska hor imaadyada uga badan dhexmara beellaha Soomaaliyeed.
“Nabadda iyo xalka waara ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Galmudug waxa ay u leedahay muhiimad gaar ah, sababtoo ah hadii ay nabadi jirin hormarin deegaan, mid bulsho iyo mid dowladnimo majireyso” ayuu yiri wasiir Mursal Cabdi Aadan.

Furitaan aqoon iswaydaarsiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Galgaduud Cusman Cali Maxamed, Wasiiir ku xigeenka wasaaradda Shaqaalaha Galmudug, xildhibaano iyo maamulka Caasimadda Galmudug, waxa ayna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in dadka ku nool deegaanada fog fog ee miyiga ah in lagu booriyo in ay ka fogaadaan isku dhacyada hubaysan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Galmudug Mohamed Nuur, oo ka hadlay furitaanka aqoon iswaydaarsiga ayaa sheekeeyay sababaha keena isku dhacyada hubaysan ee deegaanka.

“Nabad darada waxa soo Celceliya, waxa ugu weeyn qaasatan Galmudug, ninaa baraak ama qol jiinkad ah meel ka dhisanaaya, qolkaas iyo baraaktaas ninka laga agdhisay dastuurka (conistitution-ka) iyo dowladii uma soo dacwoonaayo, qori ayuu qaadanaa waxa uuna dilaa ninki, meeshas ayuu ka bilaabanaa dagaalka”.
Xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed, oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegtay in dagaalka isku dhacyada sabab u yihiin beellaha Soomaaliyeed ee hubka culus gacanta ku haaya taas kordhinaya dagaalada hubaysan ee keena in Dhiig badan ku daato.

“In musiibo nagu dhicin anaga, qof haduu musiibo sameeyo waana asiibesaa, waa in qof walbaa beri ka noqdaa musiibada dhaceysa” yay tiri Xildhibaan Cibaado Yuusuf.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Galgaduud Cusman Cali Maxamed, ayaa sheegay dagaaladu sabab u yihiin dhibaatooyinka ay wajaheen deegaaada Galmudug oo ay ugu horeeyaan abaaraha iyo colaadaha sababay barakaca.

“Majirto qof aan guri laheen, guri kastaana waxa uu leeyahay aabe, hooyo iyo walaalo, Reerkaas waxay qabaan dhibaato ay reer galmudug oo dhan ka sheeganayaan. dhibaatadiisi waxa ay tahay isdhexmar la’aan, kala aamin bax, colaaddo, aanooyin, abaaro iyo faqri”.
Xoghayaha maamulka Degmada Dhuusamareeb, Cabdicasiis Faarax Aadan ayaa dhankiisa sheegay in kulamada nuucaan oo kale ah ay kaalin wayn ka qaadanayaan nabad dhiska bulshada deegaanka Galmudug.

Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo fududeeye ka ahaa barnaamijka ayaa ka qaybgalayaasha barnaamijka u sharay cashiro ku saabsan Nabada, Khatarta iyo Xalka ee “Sara u qaadida nabada iyo xasiloonida deegaanka” ee CRHD ku qabatay magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Goobjoogayaashii ka faa’iidaystay barnaamijkaan dhexdooda ka dooday xasiloonida deegaanka iyo baahida loo qabo nabad iyo xasilooni iyaga oo soo bandhigay cabada ka jira deegaanka iyo xalkooda iyaga oo xeerinaya cashiradii ay barteen mudadii aqoon iswaydaarsigu socday.

Ugu dambayn Dr. Luul Salaad Ibrahim, gudoomiyaha xarunta CRHD, ayaa soo xirtay aqoon is waydaarsi laba maalin socday oo looga hadlaayay “Sare u qaadista nabada iyo xasiloonida deegaanka” ee magaalada Dhusamareb.

Gudoomiyaha xarunta ayaa u mahadcelisay madaxda kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug iyo kasoo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsiga.
Sidookale waxa ay u mahadcelisay hay’addaha kaqeybqaatey qabsoomida mashruucan ee IGAD,CEWARN, European Union iyo Austrian Development Agency.
CRHD oo ka shaqaysa cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha, kana madax bannaan siyaasadda, qabiilka iyo qowmiyadaha ayaa horay sidaan oo kale u qabatay dood wax ku ool ah oo lagu dhisayo nabada iyo xasilooda dalkaan oo mudo ka badan 30 sano ku jiray colaado soo laalaabtay.


