CRHD, oo Muqdisho ku qabatay barnaamij looga hadlaayay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa 14-15 June 2021, magaaladda  Muqdisho ee ku qabatay barnaamij aragti wadaag oo looga hadlaayay Istiraajiyada Xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, kaas oo ay ka qayb galeen Odayaasha dhaqanka, ururada haweenka, dhalinyaro iyo aqoonyahano.

Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Xuquul Aadanaha ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xaniifo Maxamed Ibraahim ayaa furtay barnaamijka waxa ayna sheegtay in gabdhuhu siyaasada ay qaybta ugu muhuumsan ka qaadan karaan iyada oo xasuusisay in siyaasadu aysan ahayn wax adag.

 

“Gabadhaha Soomaaliyeed ee aaminsan in ay siyaasadu wax adag tahay waxan leeyahay ma ahan wax adag ee ad adeeg hala sameeyo si aad uga qeyb noqotaan siyaasadda dalka” ayay tiri Wasiiro Xaniifo.

“Odoyaasha waxaan ka codsanaa in ay ka qayb qaataan sidii dumrka u soo bixi lahaayeen iyadoo lagu qiimeeynaayo kartideeda iyo aqoonteeda” ayay hadalkeeda raacisay wasiir Xaniifo.

“Cilada haysata gabdhaha Soonaaliyeed waa In aysan is taageerin oo aysan is garab istaagin marka waa in ay marka hore haweenka isgarabsadaan si ay uu guuleeystaan” ayay tiri iyada oo gabdhaha ku dhiiragalisay ka qayb qaadashada siyaasadda.

 

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi,oo ka tirsan mudane-yaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xustay in gabdhaha Soomaaliyeed marka ay u shaqa tagaan xafiisyada Dowladda ay dhib badan kala kulmaan xafiisyada iyada oo dalbaday in la meelmariyo sharciyada lagu dhowrayo xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

” Gabdhaha yaryar ee waxbartay marka ay shaqo raadsadaan waxa ay wajahaan caqabado aad u adag oo aan laga sheekayn karin marka waa in arimahaas la soo bandhigo si looga gudbo caqabadahas”. Ayay tiri Xildhibaan Canab.

 

“Doorashadaan soo socoto waa in ay gabdhahu door muuqdo ku yeeshaan waa in ay guddiyada iyo ergadaba laga helaa haween waana in qoondadooda lahelaan maahaan in lasiiyo waa in la helaa” ayay hadalkeeda raacisay Xildhibaan Canab Xasan Cilmi.

Maryan Aadan Aamiin, agaasimaha arimaha Bulshada iyo Xiriirka dadweynaha ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ka qaybgashay furitaanka Barnaamijka ayaa sheegtay in dumarka looga baahanyahay in ay is garab istaagaan cidna aysan marti uga noqon ka qayb galka Siyaasadda.

 

” Waxaa la iidhiibay howsha isxilqaan iyada oo aan wax lacag ah loo hayn waad aragtaan heerka aan ka gaaray, Awooda dumarka waa taas” ayay tiri iyada oo sheegtay in dumarku awoodaan shaqo walba oo loo dhiibo.

“Wiilasheeno waa fiicanyihiin 30% aan helno, odayaasha aan u sheegno in aan reerka matali karno, hadii aan wayno yaanan xanaaqin aan sabarno waa helaynaa” ayay hadalkeeda ku soo xirtay.

Gudoomiyaha degmada Warta-Nabada ee gobolka Banaadir, Zeynab Xaabzey oo khudbad ka jeedisay furitaanka Barnaamijka Aragti wadaaga ah ee looga doodayo xaqiijinta qoonda haweenka ee 30% ayaa sheegtay in ay muhiimtahay in dumarku awoodooda ku kalsoonaadaan kana qayb qaataan dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

 

“Hooyinka iyo gabdhaha waxbartay waxa ay rabaan in ay dalkooda wax u qabtaan, marka odoyaasha waxa aan ka codsanaynaa in ay nagu garab galaan arintaas” ayay tiri Gudoomiye Saynab.

CRHD, ayay uga mahadcelisay tababarada nuucaana ee kor loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago, oo ka hadlay furitaanka Barnaamijka aragti wadaaga ah ee CRHD, ayaa sheegay in ay in dhankooda ay ku dadaali doonaan Xaqiinta Qoonda haweenka ee 30%.

 

“Inta aan awoodno waxaan ka shaqeneynaa sidii ay haweenka ku heli lahaayeen qoondada 30%’‘ ayuu yiri isaga oo hadalkiisa raaciyay “aan garab istaagno gabdhaheena si aan hormar u gaarno”.

Agaasimaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, Dr. Luul Salaad Ibraahim ayaa sharaxday u jeedka Barnaamijka Aragti wadaaga ah ee CRHD, ku qabatay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

“Arrimo bulsho aan ka shaqaynaa waxaan caan ku nahay doodaha iyo aragti wadaaga, waxaan aaminsanahay in haweenka ay hormuud ka yihiin horumarinta bulsho kaste, waaye waa aas-aaskii guriga marka hadii aan iyada la soo dhisin ma aaminsani in ay inta kale dhismayso” ayay tiri Dr. Luul Salaad Ibraahim.

Marka laga soo tago khudbaha muhiimka ah ee looga hadlay xaqiijinta qoonda haweenka waxaa lagu bartay cashiro la xiriira horumarinta aadaha, doorka haweenka ee siyaasada iyo xaqiijinta qoondada dumarka ee 30%.

Dhalinyarada ka qayb gashay Barnaamijka Aragti wadaaga ah ee CRHD Muqdisho ku qabatay ayaa sameeyay group discussion ay uga doodeen Istiraatijiyada xaqiijinta Qoonda haweenka ee 30% iyada oo ugu dambayntii la soo xiray barnaamijka aragti wadaaga ah ee looga hadlay qoonda haweenka.

 

Scroll to Top