CRHD oo Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka odayaasha dhaqanka ee la dagaalanka Musuqa xilliga doorashooyinka.

Xarunta Cilmi baarista iyo hormarinta Aadanaha ee CRHD ayaa 14-15 December 2020 magaaladda Muqdisho ku qabanaysaa dood cilmiyeed ku saabsan Kaalinta ay odayaasha dhaqanku ka qaadan karaan la dagaalanka Musuq maasuqa inta lagu jiro doorashooyinka.

Munaasabada ayaa waxaa furay gudoomiyaha CRHD, Dr Luul Salaad Ibraahim waxa ayna ka hadashay ujeedka laga leeyahay tababarka iyo muhiimada ay leedahay in ay odoyaasha dhaqanka ay ka hadlaan la dagaalanka musuqa xilliga doorashada.

 

 

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka hadlay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Odayaasha dhaqanka ee la dagaalanka Musuq maasuqa xilliga doorashooyinka ayaa odoyaasha dhanka kula dardarmaay in ay soo xulaan hogaamiye wanaagsan oo dalkaan wax u qaban kara.

“Hoggaamiye wanaagsan soo xula hadii aad diidaan meeshaad ka gashaan aan ka galaynaa” ayuu kula kaftay odayaashii ka qayb galayay tababarka isaga oo sidoo kale ka sheegay sida diintu u diiday xatooyada iyo musuqmaasuqa.

Gudoomiyaha Ururka Nabada Soomaaliyeed Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago oo hadlay dood cilmiyeedka ay soo qabanqaabisay CRHD ayaa sheegay in musuqu soconayo inta siyaasiyiinta ay ku howlanyihiin qabyaalada.

“Madaxeynahayaasha hada jira waxa ay u shaqaynayaan qaab qablayaaladeed, Walaahi waa wax laga xishoodo” ayuu yiri Nabadoon Xarago.

“Hadii aan nahay odoyaasha dhaqanka waxa aan u ku dadaalaynaa in helo hoggaamiye Wanaagsan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka hadlay dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Xarunta cilmi baarista iyo hormarinta Aadanaha ee CRHD ayaa kula dardaarmay in ka fogaado laaluushka.

“Hadii aadnaan dooran xildhibaan wanaagsan lama helayo madaxweyne wanaagsan, hadii aan la helin Madaxweyne wanaagsan lama helayo dowlad siyaasad cad leh”.

 

Odyaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo haweenka ka qayb qaadanaya dood cilmiyeedka ay soo qanqaabisay CRHD ayaa dhiibtay aragtidooda ku aadan joojinta muuqa xilliga doorashooyinka.

Dr.Cilmi Maxamuud Nuur ”odyaasha Dhaqanka hadii ay kafikiraan sidee ku soo saari kartaan qof wax tar u leh Dowladnimada Soomaliya waddankaan wuu hagaa gayaa”.

Doodaan ayaa qayb ka aheyd dodo isdaba joog ah oo ay CRHD, u qabatay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada si looga doodo doorashooyinka dalka iyo sida ugu wanaagsan ee loo soo afjari karo.

 

Scroll to Top