Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta Aadanaha ee Centre for Research And Human Development CRHD ayaa 9-10 December 2020, Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay tababar ku saabsan Kaalinta ay dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaadan karaan Dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka dalka.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad-goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya ahna kusimaha wasiirka Abu Aw Suufi ayaa furay tababar ay soo qaban qaabisay CRHD oo ku saabsan Kaalinta dhalinyarada ee dimoqoraadiyada iyo doorashooyinka.

Gudomiyaha dhalinyaradda Dagmada Baydhabo Mohamed Adan Mohamed Dhagey ayaa dhankiisa qudbad ka jeediyay furitaanka tababarka, isaga oo sheegay dhalintu kaalin balaaranka ku leedahay is dhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha Xarunta cilmi baarista iyo horumarinta Aadanaha Dr Luul Salaad Ibraahim oo xafladda furitaanka ka hadashay ayaa sharaxday muhiimada tababarkaan iyo waxa uu ku saabsanyahay.

Dr. Hassan Sheikh Ali Nor oo aalada Fogaan araga uga qayb qaadanaya tababarka ayaa u sharaxay dhalinyarada kaalinta ay ka qaadan karaan Dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka dalka maadaama dalku jiro xili doorasho.
Dhalinyaradii ka qayb gashay tababarka ayaa su’aalo ku saabsan sida dhalinyaradu uga qayb qaadan karto Dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka dalka waydiiyay DR Xassan Sheekh Cali Nuur oo tababarka ugu qayb qaaday aalada fagaan araga isaga oo ugu jawaabay su’aalihii ay ka qabeen.

CRHD ayaa u taagan awoodsiinta dhalinyarada si ay uga qayb qaataan Dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka.


