Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa 12-13 October 2022, Deegaanka Xananbuure ee gobobka Galgaduud ku qabatay Aqoon is waydaarsi ku saabsan “Ka hortaga isku dhacyada iyo dhisida nabada deegaanka”, iyada oo kaashanaysa CEWARN, European Union iyo Austrian Development Agency si looga hortogo isku dhacyo hubaysan oo ka dhaca deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Muumin Muhudiin Cabdulle, madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha Gudoomiyaha guud ee CRHD, ayaa sharaxay muhiimada aqoon iswaydaarsiga, isaga cadeeyay in u jeedka ugu wayn yahay in bulshada deegaanka ay kuu noolaandaan nabadgalyo, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Guddomiyaha Deegaanka Xananbuure, Oday dhamaqamedyo, Culimo, Dhalinyaro iyo haween ka socda bulshada deegaanka Xananbuure bartamaha Soomaaliya.

Cabdulle, ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay fariinta Nabada gaarsiiyaan bulshada kale ee deegaanka ee aan fursada u helin in ay ka qayb galaan aqoon iswaydaarsigaan looga hadlayo “ka hortaga isku dhacyada hubaysan iyo dhisida nabada deegaanka” maadaama Xananbuure horay u martigalisay dagaalo qabiil oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac dadwayne.
Guddomiyaha deegaanka Xananbuure Cabdiwali Macalin Xasan oo furay aqoon iswaydaarsiga ay CRHD ku qabatay deegaanka Xananbuure ee Dowlad Gobolledka Galmudug ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo aqoon iswaydaarsigaan isaga oo dalbaday in la soo celiceliyo tababaradaan si bulshada deegaanka loo gaarsiiyo nabad dhisida iyo ka hortaga colaadaha hubaysan.

Siraaji Fariid C abdi oo fududeeyo ka ahaa aqoon iswaydaarsiga ayaa ka soo qaybgalayaasha la wadaay Cashiro ku saabsan “Ka Hortaga isku dhacyada iyo Dhisida nabada deegaanka Xananbuure” ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Siraaji, ayaa adkeeyay muhiimada ay bulshada u leedahay Nabada iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in bulshadu u istaago Nabada si loo heli xasilooni iyo nabad ku wada noolaasho deegaan iyada laga amba qaadayo dadaalada CRHD iyo saaxiibadeeda Caalamiga ah ay ku raadinayaan la helo xasilooni bulsho.

Qaar kamid ah kasoo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsiga oo ka arragti dhiibtay dhibaatada deegaanka ka jirta sida lagu xalin karo qilaafaadyada soo noq noqday ayaa sheegay in uu bulshadu u baahanyihiin in kor loo qaado wacyigooda lana gaarsiiyo fariinta nabada iyada oo sheegay in ay dhibaatooyinka ay qayb ka yihiin shacabka hubka haysta, deegaamaynta iyo dhul daaqsimeed.
Ka soo qaybgalayaasha ayaa ku booriyay CRHD iyo Saaxiibadeeda Caalamiga ah in ay deegaanka Xananbuuro u doorteen in ay ku qabtaan aqoon iswaydaarsigaan lagu dhisayo nabada deegaanka.

Dr. Luul Salaad Ibraahim, Gudomiyaha guud ee Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha CRHD, oo Aalada fogaan araga (Zoom) uga qaybgashay xiritaanka Aqoon iswaydaarsiga CRHD ku qabatay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in xarunta xoogga saarayso dhismaha nabada iyo ka hortaga isku dhacyada hubaysan ee kusoo laalaabta deeganada Galmudug oo uu ka midyahay deegaanka Xaranbuure.
Guudoomiyaha ayaa intaasi ku dartay in aysan macquul ahayn oo caqliga saliimka ah uusan qaadan karin in dad soo dhistay dowladooda iyo hormarkooda bulsho ay lacag ay iska aruuriyaan si ay u taageeraan nabadeena hadana aan wali isku sidano qoryihii.

“Caqliga saliimka ah maqaadan karo in dad dhistay dowladahooda oo hormar samaystay lacago ay iska soo aruuriyeen ku taageeraan nabadeena anaka aan qoryo wali isku sidano” ayay tiri Dr Luul Salaad Ibraahim gudoomiyaha CRHD.
Sen. Cabdikaxiim Macalin Axmed, oo soo xiray aqoon iswaydaarsi CRHD ku qabatay Xananbuure ayaa kula dardaarmay bulshada deegaanka in ay u istaagaan nabada deegaanka oo ay “ meel uga soo wadajeestaan wiilka qoriga wata ee raba in uu colaad ka abuuro deegaanka” taas oo ah wax aysan aqbali karin bulsho nabada jecel ee deegaanka.
Sen. Cabdikariin ayaa hadalkiisa raaciyay in uu ogyahay in bulshada deegaanka ay yihiin dad nabada jecel loona baahanyahay in meel looga soo wadajeesta “ dhalinyarada qoryaha wadata oo aan la dhihin waa beel hebel ee meel looga soo wadajeesto”.
Isaga oo sii hadlay Sen. Cabdixakiin ayaa sheegay in colaaduhu ay meesha ka saarayaan goobaha waxbarashada taasna ay sababayso dib u dhac baraalan iyo colaado soo laalaabta.
Ugu dambayntii Senatorka ayaa ku booriyay bulshada deegaanka in ay xoogga saaraan waxbarashada lana dagaalamaan Jahliga.

Xarunta cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, oo kaashanaysa Saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa deegaanada Galmudug ku qabatay aqoon iswaydaarsi looga hadlaayo nabad dhisida waxa ay horay Dhuusamareeb uga qabatay aqoon kororsi looga dooday “Sara u qaadida nabada iyo xasiloonida deegaanka”.


