Maxay yihiin Caqabadaha ku horgudban dumarka xilliga doorashooyinka?

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa August 2, 2021, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku qabatay dood ku saabsan caqaba dumarka ku horgudban xilliga doorashooyinka.

Gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, Dr. Luul Salaad Ibraahim, oo furtay dooda ku saabsan ‘Caqaba ku horgudban haweenka xilliga doorashooyinka’ oo xaruntu ka qabatay magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in loo baahanyahay in dumarku helaan xuquuqda ay u leeyihiin la doorto iyo in ay wax doortaan.

Dr Luul ayaa sheegtay in ujeedka laga leedahay doodaan ay tahay in dumarku si cilmiyaysan ugu doodaan caqabadaha ku horgudban dumarka xilliga Doorashooyinka.

“Dumarka Soomaaliyeed iyaga ayaa laga rabaa in ay soo bandhigaan caqabadaha haysta ee la dhihi karo kow iyo labo gaar ahaan xilligaan ku jirno doorashooyinka si ay u kala cadaadaan waxa aan ka shaqaynayo in ay yihiin kuwa miradha oo aan ku gaari karno doorasho hufan oo dhamaan saamilaydu ka qaybgasho”.

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado dumarka haysta balse ay jiraan fursado dumarka u banaan.

“Dhaqanka qabiilku waxa uu gaaray in gabar diin, asluub iyo aqoon leh iyada oo la heli karo lagu badasho nin aan aqoon iyo anshax toona lahayn, balse waa ku amaanaa beesha aan ka dhashay in ay igu aamineen kursiga aan hada ku fadhiyo” ayay tiri Xil. Aamino Maxamed Cabdi.

Dr. Khadija Cosoble Cali, oo xubin ka ah guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in dumarku in ay doorashada uga qayb qaadan karaan qaab qof iyo cod ah halkaas oo ay ka heli karaan doorasho dhamaystiraan.

“Malinta ay Soomalidu ka baxdo xulashada qof dan lagu soo xusho oo ay u gudubto doorasho xor iyo xalaal ah ayay haweenku jaanis u heli doonan in ay siyaasadda door muuqda ka qaataan”

CRHD, oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sidaan oo kale dodo looga hadlaaya arrimaha doorashooyinka ugu qabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Beledweyne, Dhuusamareeb iyo Garowe halkaas oo looga dooday sida ay doorasho xasiloon uga dhici karto Soomaaliya.

Scroll to Top