Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa 13-14, July 2021, waxa ay magaaladda Muqdisho ka qabatay dood ciwaankeedu yahay “Saamilayda Siyaasada diyaar ma u yihiin qabsoomida doorashooyinka 2021” taas oo ay ka qayb galeen xildhibaano ka tirsan laba aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, aqoonyaha, dhalinyaro, ururada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Labadii maalmood ee dooduhu socdeen waxaa sidoo kale la isku soo hadalka qaaday laga dooday amniga doorashooyinka dalka, kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka dalka, xal u helida khilaafka guddiga doorashada ee Somaliland iyo xaqiijinta qoonda haweenka 30%.

Inta doodu socotay waxaa ka qayb galay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Prof Xasan Sheekh Cali Nuur, Wasiirkii hore amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraaq Cumar Maxamed, Sanator Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaa, Amaal Garaad oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“Aniga waxa ay ila tahay sababta keentay in doorashaadan ay ka duwanaato kuwii hore waa in ay ku bilaabatay kalsooni daro ku wareegsan hanaanka doorshada” ayuu yiri wasiir Maareeye.

“Kala qeeybsanaanta siyaasiyiinta kasoo jeedo Somaliland waxa sababay in aysan joogin meel looga hadlay doorashooyin Soomaaliya hadii ay ahaan lahayd dowalada federaalka ah iyo maamul goboleedyada iyagaa ka masuul ah kala qaybsanaanta”. Ayuu yiri xildhibaan Maareeye.
Xildhibaan Mareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Marka laga hadlayo Amniga doorashada Goobaha qaarkood amni la isku halayn karo ayaa kajirta sidaas darteed AMISOM waa laga maari markaa”.

Xildhibaan Mahad Maxames Salaad, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in amnia doorashada uu ka cadyahay heshiiskii 17 september 2021.
“Amniga doorashooyinka waxa uu ka mid ahaa heshiiskii 27 May laakiin wax howl ah oo laga qabtay majirto arrinkaasi, waayo goobaha loo asteeyay qaarkood waxa ay marti u ahaayeen weeraro uga yimaada Al Shabaab”.

“Kala qeeybsanaanta Siyaasiyiinta Somaliland waxa lagu daawaayn karaa in ay iyagu is fahmaan oo ay xal isla gaaraan” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xabiibo Macalin, oo ah abwaanad Soomaaliyeed, waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la taageero heshiiska doorashada laguna garab istaago Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble qorshihiis doorashooyinka.
“Kalsooni waa ay imaaneeysaa hadii aan ku shaqeeyno qaabka loo dajiyay doorashada ee uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Rooble”.

Wasiirkii hore amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraaq Cumar Maxamed, ayaa maalinkii labaad ka qayb galaya dooda, waxa uuna ka hadlay muhiimada ay leedahay in doorashadu u dhacdo qaab amaan ah oo heshiis lagu wada yahay.
” Marka aan ka hadlayno Amniga doorashooyinka Ciidamada AMISOM kuwa Soomaaliya wada shaqeeyn waa dhex mari kartaa hadii si wanagsan looga shaqeeyo” oo hadalkiisa raaciyay ” AMISOM lagama maarmo, Maxweyne Farmaajo Xitaa Albaaka Gurigiisa ayey ka furaan, kalsooni darada naheysata ayaana keeneysa”.
“Kuraasta Somaliland ma jirto cid xoogi karta kuwa Somaliland iyo kuwa Dhuusamareeb yaalla waa isku mid majirto cid dhihi karta kuraasta Somaliland hadii aysan joogin deegaankoodii waa dhacaynaa ogaada waxa ay helayaan kuwa difaaca” ayuu yiri Prof Xasan Sheekh Cali.

” Marka aan ka hadlayno Qoondada hawenka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka hiilinaaya in laraadiyo oo qoondo dumarka loo sameeyo waxa keenayo dhaqanka Soomaaliyeed oo dumarka u ogoleeyn ka qayb qaadashada siyaasadda” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sanator Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xiritaanka dooda waxa uu ka jeediyay qudbad, waxa uuna sheegay in doorashadu keento xasilooni sidoo kale ay sababi karto xasilooni daro.

“Si doorasho u dhacdo waa in la fuliyaa heshiisyadii laga gaaray doorashada sidaas ayaana looga fogaan karaa qalalaaso iyo dhibaato ka dhacda wadanka”. Ayuu yiri Senotor Aamiin.
Ugu dambayntii Gudoomiyaha xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, Dr Luul Salaad Ibraahim, oo khudbad ka jeedisay soo xiritaanka dood ku saabsan doorashooyinka dalka oo 13-14 July 2021, lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxa ayna u mahadcelisay dhamaan intii ka qayb qaadatay.



