CRHD oo Balanbale ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan ‘wadashaqeynta bulshada iyo maamulka’.

Xarunta Cilbaarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, ayaa degmada Balanbale ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan ” Xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo maamulka dagmada balanbale” kaas oo qabsoomay 22 December 2022.

Muumin Muhudiin Abdulle, Madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha agaasimaha guud ee CRHD, oo furay dood cilmiyeedka ayaa sharaxay u jeedka ay CRHD, dood cilmi yeedkaan ugu qabatay degmada Balanbale isaga oo sheegay in muhiimada ugu wayn ay tahay xoojinta wadashaqaynta maamulka iyo bulshada degmada Balanbale iyo deegaanada ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Muumin ayaa sheegay in CRHD sidaan oo kala aqoon iswaydaarsi ugu qabatay deegaano ay  horay uga dhaceen colaado hubaysan iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamiga ah sida AustrianDev, IGAD CEWARN iyo EU International Partnerships.

Dood cilmiyeedka ayaa diirada lagu saaray ” Xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo maamulka dagmada balanbale” ee dowlad gobolledka Galmudug, kaas oo ay qayb galeen xubno ka socday golaha deegaanka, bulshada rayidka, culimada iyo aqoonyahanada degmada Balanbale.

Xil. Cali Cabdi Maxamed oo kamid ah golaha deegaanka ee degmada Balanbale oo ka hadlaayay xoojinta wadashaqaynta bulshada iyo maamulka Balanbale ayaa sheegay in maamulka kagiis uusan waxba qaban Karin hadii uusan haysan bulsho la shaqaysa.

“Bulshada markay wada shaqeyn buuxdo la yeeshaan maamulka degmada ayuu imaanaa inuu maamulka ka shaqeeyo dhanka horumarka bulshada, maamul kaligii waxba ma qaban karo” ayuu cadeeyay intii ay socotay dooda ay CRHD ku qabatay Balanbale.

Intii uu socday aqoon iswaydaarsiga CRHD ku qabatay ee diirada lagu saaraayay ” Xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo maamulka dagmada balanbale” ee dowlad gobolledka Galmudug ayaa waxaa dood loo qabtay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Balanbale, Nabadoono iyo xubno ka socday bulshada deegaanka iyada oo dooda la dhexdhigay.

  1. Ali Abdi Mohamed
  2. Anab Abdullahi Mohamed
  3. Nabadoon Dhuxul Abdi Ali
  4. Rujaal Ahmed Mohamed

Intii ay socotay dooda ka qaybgalayaasha ayaa dhankooda cabiray aragtidood ku aadan sida loo xoojin karo wadashaqaynta bulshada iyo maamulka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud iyada oo cadeeyay muhiimada isku xirka iyo wadashaqaynta maamulka iyo shacabka deegaanka.

Ka soo qaybgalayaasha dood cilmiyeedka ayaa loo qaybiyay koox koox waxa ayna dood ka yeesheen ciwaana loo qaybiyay iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku Aadan Xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo maamulka dagmada balanbale ee dowlad gobolledka Galmudug.

Xil. Anab Abdullahi Mohamed oo kamid ah golaha deegaanka degmada Balanbale ayaa soo xiray dood cilmiyeedka ka socday degmada balanbale, xildhibaanada ayaa u mahadcelisay xarun cilmi baarista iyo horumarinta Aadanaha ee CRHD, iyada oo ku boorisay kasoo qeybgalayaasha in ay aqoonta ka faa’iideen dood cilmiyeedkaan ay gaarsiiyaan bulshada kale ee deegaanka isla markaana kala shaqeeyaan maamulka nabada iyo xasiloonida degmada iyo nawaxigeeda.

Xarunta cilmi baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD, oo kaashanaysa Saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa horay sidaan oo kale deegaanada Galmudug ugu qabatay aqoon iswaydaarsiyo looga hadlaayo nabad dhisida iyada oo doodo aqoon iswaydaarsi ah ku qabatay deegaanada Balanbale,  Xananbuure iyo magaaladda Dhuusamareeb si kor loogu qaado waciyaga bulshada ee Nabada iyo horumarka deegaanka.

Scroll to Top