CRHD oo Dhuusamareeb ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan xal u helida colaadaha.

Xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Aadanaha ee CRHD oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa 24 December 2022, magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka furtay dood cilmiyeed ku saabsan “Xal u helidda colaadaha soo noqnoqda ee deegaanada Galmudug”.

Muumin Muhudiin Abdulle, Madaxda maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha agaasimaha guud ee CRHD, ayaa sharaxay muhiimada dood cilmiyeedka CRHD ka furmay degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kaas oo ku saabsan “Xal u helidda colaadaha soo noqnoqda ee deegaanada Galmudug”.

Muumin ayaa sheegay in u jeedka dooda tahay xal u helida colaadaha soo noqnoqda iyo dhismaha Nabada deegaanka Galmudug oo marar badan ay ka dheceen colaado hubaysan.

Doodan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiiro, xildhibaano, Odayaasha dhaqanka, Culimo, haween iyo dhalinyaro

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Howlaha Guud ee dowlad goboleedka Galmudug Khalid Abdi Yusuf ayaa si rasmi ah u furay dood cilmiyeedka CRHD ku qabatay magaaladda Dhuusamareeb oo looga hadlaayay “Xal u helidda colaadaha soo noqnoqda ee deegaanada Galmudug”.

CRHD, ayaa doodo iyo aqoon iswaydaariyo horay ugu qabatay deegaano ka tirsan Galmudug iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamiga ah sida AustrianDev, IGAD CEWARN iyo EU International Partnerships.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka haweenka Galmudug Xaliimo Axmed Kaariye, oo ka hadashay furitaanka dood Cilmiyeedka CRHD ku qabatay caasimadda Galmudug ayaa sheegtay in dood cilmiyeedkaan uu muhiim u yahay deegaanadaan maadaama ay horay uga dheceen dagaalo beeleedyo hubaysan.

Prof. Axmad  Salaad Kulmiye, oo ka mid ah Aqoonyahanada Galmudug oo ka hadlay furitaan aqoon iswaydaarsiga CRHD ku qabatay Dhuusamareeb ayaa sheegay in loo baahanyahay in deegaanada ay colaadaha ku jiraan la geeyo ciidamo ah oo suga amniga iyo kala dambaynta.

Prof Kulmiye, ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo nabad ku wada noolaasho iyo xasilooni ay helaan shacabka ku nool deegaanada miyiga ah ee inta badan ay dhex maraan colaahadaha hubaysan iyaga oo isku haaya dhul daaqsimeed iyo ceelan biyeedyo deegaanadaasi laga qoday.

Xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug oo ka hadashay furitaan aqoon iswaydaarsiga CRHD maanta ku qabatay Dhuusamareeb in lagu xali karo colaadaha hubaysan “in lamariyo ciqaabta u qalanta qofkasta oo ku xad gudba dadka kale”.

Xildhibaan Cibaado ayaa sheegtay in ay rabshadaha ka dhaca deegaanada qaarkood ay qayb ka yihiin hubka ay haystaan dadka reer miyaga ah taas oo u baahan xal deg deg ah in loo helo.

Dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka qaybgalay;

Wasiir Khalid Abdi Yusuf

Xil. Cibaado Yusuf Ahmed

Prof. Ahmed Salad Kulmiye

G.X.Ururka haweenk Halima Ahmed Kariye

Kasoo qeybgalayaasha dood cilmiyeedka ayaa ka yeeshay dood wadaag, si ay u cabiraan aragtidooda ku aadan su’aalaha dooda.

Sidoo kale Ka soo qaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay koox koox waxa ayna dood ka yeesheen ciwaana loo qaybiyay iyaga oo soo bandhigay aragtidooda ku Aadan Xal u helidda colaadaha soo noqnoqda ee deegaanada Galmudug”.

Ugu dambayntii Xil. Cibaado Yusuf Ahmed oo kamid ah baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo xiray dood cilmiyeedka ka socday magalaada dhusamareb.

Xildhibaanada ayaa ku amaantay xarun CRHD dadaalada ay ugu jirto nabada deeganada Galmudug, isla markanaa balan qaaday iney diyaar u tahay inay tagto meel kastoo colaad ka dhacdo una baahan in nabad lagu soo dabaalo.

Dood cilmiyeedkaan oo ah kii labaad oo mudo 3 bilood ah CRHD ku qabato magaaladda Dhuusamareeb waxa ay sidoo kale ku qabatay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud iyo degmada Balanbale ee isla gobolkaas waxaana dhamaan diirada lagu saaray nabad dhiska iyo ka hortaga colaadaha hubaysan.

Scroll to Top